Sunday, October 2, 2022
25.9 C
Mogadishu

NISA oo deg deg uga jawaabtay dalabkii Xukuumadda ee Arrinta Roobow

Taliska Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya ayaa saacado gudahood  ka soo jawaabay warbixiintii uu shalay ka dalbaday Wasiirka Amniga ee ku saabsaneyd xaalada Sheelh Mukhtaar Roobow Cali ( Abuu Mansuur).

Warqad kasoo baxday Xafiiska  Kusimaha Taliyaha NISA Yaasiin Farey ayaa lagu sheegay in xaalada caafimaad ee Mukhtaar Roobow ay wanaagsan tahay, isla markaana uu leeyahay dhaqaatiir si joogto ah ula socota xaaladiisa caafimaad, sidoo kalena uu yahay Arday dhigta Jaamacad heerka labaad ee Master Degree, xiriir joogtana la leh Macalimiintiisa.

“Mukhtaar Roobow noloshiisa waxaa bil walba NISA uga baxda 7,000 oo dollar si loo maareeyo noloshiisa iyo midka qoyskiisa, maadaama uu xubin ka noqday Al-Shabaab, isla markaana uusan buuxin shuruudaha soo dhiibaha loo dejiyay inuu waajib ka saaran yahay amnigiisa” ayaa lagu yiri Warka qoraalka.

lama oga in Wasaaradda Amniga Gudaha ee Soomaaliya ay ku qanci doonto Jawaabta Hay’adda NISA, waxaana Muqtaar Rooboow laga soo xiray sanadkii 2018-kii Magaalada Muqdisho xilli uu kamid ahaa Musharrixiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

 

Related Articles

Rukumo Baraheena Bulshada

135,668FansLike
32FollowersFollow
1,260SubscribersSubscribe

News In English

Ciyaaraha