Thursday, October 6, 2022
27.2 C
Mogadishu

Al-Shabaab hor leh oo ka gudbay xadka iyo xogtii u dambeysay

Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa abaabullo ka wada xadka ay wadaagaan Soomaliya iyo Itoobiya, saacado yar un kaddib markii ciidanka gaarka ah ee Dowlad-deegaanka Soomaalida ay ku dhawaaqeen inay guul ka gaareen dagaalkii socday maalmihii la soo dhaafay.

Dowlad-deegaanka Soomaalida ayaa sheegtay in la soo afmeeray wejigii koowaad ee howlgalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab. Gobolka Afdheer oo xad la wadaaga gobolka Bakool ee Soomaaliya waxaana maalmihii la soo dhaafay uu dagaal ku dhex maray ciidanka Liyuu Boolis iyo Al-Shabaab.

Ma jiraan ilaa hadda faah-faahinno ka soo baxaya maamulka Dowlad-deegaanka Soomaalida oo sharraxaad ka bixinaysa khasaaraha labada dhinac soo kala gaaray iyo haddii ay jiraan maxaabiis dagaal.

Dhanka kale, waxaa jirta feejignaan sare oo la galiyay hay’adaha ammaanka ee Dowlad-deegaanka kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in xadka deegaanka Soomaalida uu la wadaago gobolka Hiiraan ay ka soo tallaabeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo damacsan in ay gudaha u galaan deegaanka Soomaalida.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa BBC-da u xaqiijiyay arrintaas.

Wuxuu sheegay in dadka deegaanka ay u sheegeen in dagaalyahanno lagu qiyaasay 200 ay ka tallaabeen dhanka gobolka Hiiraan, isla markaana ay u ruqaansadeen dhanka Itoobiya.

“Markii aan dadka waydiinnay waxay noo sheegeen in ilaa 200 oo nin ay ku dhow yihiin (tiro ahaan) ayuu yiri Cali Jeyte.

Wuxuu intaa ku daray in ciidamada Dowlad-deegaanka Soomaalida iyo kuwa Soomaaliya ay si wadajir ah ula dagaallamayaan Al-Shabaab.

Mas’uuliyiinta Dowlad-deegaanka Soomaalida ayaa horay u sheegay in ciidamada dowladda ay dileen in ka badan 100 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaddib howlgallo saddex maalmood ka socday gudaha gobolka Afdheer.

Related Articles

Rukumo Baraheena Bulshada

135,668FansLike
32FollowersFollow
1,260SubscribersSubscribe

News In English

Ciyaaraha