Sunday, October 2, 2022
25.9 C
Mogadishu

Al-Shabaab oo fagaaro ku toogtay laba ruux

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa goob fagaaro ah oo ku taalla degaanka Kuunya-Baroow ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay ku toogteen laba Rag ah oo ay ku sheegeen inay kamid ahaayeen Askarta Ciidamada dowladda Federaalka ah ee  Soomaaliya.

Askarta oo lagu kala Magacaabi jiray Yoonis Macalin Xasan iyo Maxamed Nuur Xasan ayaa Al-Shabaab sheegeen inay ka kala tirsanaayeen Booliska iyo Nabadsugida Somalia kana howlgeli jireen Magaalooyinka Marka iyo Baydhabo, balse laga soo kala qabtay degaanka Jilib Marka iyo mid ku wajahnaa degmada Afgooye ee  Gobolka Shabeellaha Hoose, isaga oo ka yimid dhinaca Magaalada Baydhabo.

Goobta lagu toogtay labada Askari ayaa waxaa ku sugnaa Boqolaal kamid ah dadka kunool degaanka Kuunya-Baroow, kuwaas oo Al-Shabaab ku amreen inay daawadaan.

Dhowr jeer oo hore ayaa Al-Shabaab waxaa ay ku toogteen rag iyo Dumar ay ku eedeeyeen inay la Shaqeeynayeen dowladda Soomaaliya iyo dowladaha taageera degmooyin iyo degaano kuyaalla Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Related Articles

Rukumo Baraheena Bulshada

135,668FansLike
32FollowersFollow
1,260SubscribersSubscribe

News In English

Ciyaaraha