Sunday, October 2, 2022
25.9 C
Mogadishu

Al-Shabaab oo soo bandhigay Askar ay sheegeen inay isku soo dhiibeen

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa degaanka Buula-fuulaay ee Gobolka Baay waxaa ay kusoo bandhigeen laba Askari oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen Ciidamada dowladda Soomaaliya balse ay isku dhiibeen Al-Sbabaab.

labada Askari ayaa waxaa Magacyadooda lagu kala sheegay Aadan Maxamed Cabdiraxmaan oo muddo 7 Bilood ah ka tirsanaa Ciidamada dowladda ee ka howlgalla degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay iyo Madeey Gaduudow Mursal oo muddo 8 Sano ah ka tirsanaa Ciidanka dowladda kana howlgeli jiray Gobolka Shabeellaha Hoose.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa baahisay labada Askari oo sheegaya in mushaar la’aan iyo dhibaatooyin kala duwan oo beystay aawgeed ay uga soo tageen Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay ka tirsanaayeen.

Taliska Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaan weli ka hadlin ragga ay soi bandhigeen Al-Sbabaab oo ay sheegeen i ay ka tirsanaayeen Ciidamada dowladda, balse isku soo dhiibeen, hayeeshee waxaa jiray maalmihii la soo dhaafay in dhowr Xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab i ay isku soo dhiibeen Ciidamada qeybta 60aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed.

Related Articles

Rukumo Baraheena Bulshada

135,668FansLike
32FollowersFollow
1,260SubscribersSubscribe

News In English

Ciyaaraha