Sunday, October 2, 2022
25.9 C
Mogadishu

Banaanbax ka dhacay degmada Beled-xaawo & Xarunta Maamulka oo la gubay

Wararka naga soo gaaraya degmada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Maanta halkaasi uu ka dhacay banaanbax ay dhigayeen dad ka careysan dhalinyaro laga xir xiray.

Banaanbaxayaasha oo ka kala yimid xaafadaha degmada Beled-xaawo ayaa ka careysnaa dhalinyaro Ciidamada Nabadsugida ay Magaalada ka dhex qabteen, kuwaas oo la sheegay inay u geysteen jirdil xoogan.

Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa taayaro iyo agab kale ku gubay bartamaha degmada Beled-xaawo, iyaga oo sidoo kale gubay Xaruntii ay ku Shaqeeynayeen Maamulka degmada, waxaana Ciidamo katirsan kuwa NISA ay rasaas farabadan ku fureen dadka banaanbaxa dhigayay, iyada oo ay ku dhaawacmay rasaasta ilaa Saddex Ruux.

Xaaladda degmada Balad-Xaawo ayaa Maanta muddo saacado ah aad u kacsaneyd, waxaana markii dambe kusoo baxay mas’uuliyiin katirsan Maamulka degmada Beled-xaawo, kuwaas oo la hadlay dadka banaanbaxayaasha.

Related Articles

Rukumo Baraheena Bulshada

135,668FansLike
32FollowersFollow
1,260SubscribersSubscribe

News In English

Ciyaaraha