Sunday, October 2, 2022
25.9 C
Mogadishu

Booliska Hir-Shabeelle oo soo bandhigay Burcad hubeysan oo ay qabteen

Ciidamada Booliska dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa howlgal saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan waxaa ay kusoo qabteen rag hubeysna oo dhac ka geystay Gudaha Magaalada Beledweyne.

Raggaas ayaa sidoo kale waxaa ay ahaayeen kuwo isticmaalayay kana Ganacsanayay waxyaabaha maanka dooriya, iyaga oo watay hubka noocyadisa kala duwan si ay dadka ugu dhacaan.

Taliyaha Saldhiga Booliska Beledweyne laba xidigle Maxamed Maxamuud Xuseen ) Duurdage) ayaa sheegay in Ciidamadu qabteen dad Magaalada Beledweyne ku dhacay Mooto Bajaaj dhowr ah, sidoo kalena ay ahaayeen kuwo hubeysnaa oo isticmaalayay waxyaabaha maanka dooriya.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in raga Burcadda ah ay cabasho ka keeneen dadweynaha Magaalada Beledwyene, wuxuuna sheegayiin dhawaan Maxkamad la horgeyn doonaan raggaas.

Taliyaha Booliska Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa Ciidamada Booliska ku booriyay inay sii laba laabaan howlgallada ka dhanka ah Burcadda hubeysan iyo kuwa dadka Shacabka ah dhaca u geysnaya, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay ay wadeen sidii looga hortegi lahaa.

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay kamid tahay Goobaha dadka kunool ay ka cabanayeen Burcadda hubeysan, kuwaas oo xilliyada habeenkii badi dadka dhaca u geysta.

Related Articles

Rukumo Baraheena Bulshada

135,668FansLike
32FollowersFollow
1,260SubscribersSubscribe

News In English

Ciyaaraha