Sunday, October 2, 2022
25.9 C
Mogadishu

Cabdi Xaashi & Boqor Buurmadow oo qaadacay doorashada Somalia eedeeyayna Rooble

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Boqor Cusman Ow Maxamuud Buurmadoow oo ay garab taagnaayeen Siyaasiyiinta Gibolada Waqooyi ee Somaliland ayaa Maanta sheegay inay isaga baxeen doorashada Soomaaliya, iyaga oo faah faahiyay sababta ku kaliftay arrintaas.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa ku baaqay in la joojiyo Jadwalka Doorashada Reer Waqooyiga ee dhawaan la soo saaray, isaga oo sheegay in boob lagu haayo.

Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in doorashada loo qabto si la isla ogyahay, sidoo kalena uu ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha iyo dadka ku howlan wadida doorashada inay jooniyaan.

Dhinaca kale Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa dhankiisa sheegay in ay ka  baxeen doorashada Soomaaliya,ayna u cadeeynayaan Beesha Caalamka in Ra’iisul Wasaaraha uu faragelin iyo boob ku haayo doorashada.

“Waan ka baxnay doorashada waxaan halkaan isugu nimid in aan u cadeyno Beesha caalamka iyo Soomaaliba’ Marka aan garan wayne cid aan kaga Dacwoona R wasaaraha Beeshiisa Habargidir Xitaa waan ugu dacwoonay ayuu yiri” Boqor Buurmadow.

Related Articles

Rukumo Baraheena Bulshada

135,668FansLike
32FollowersFollow
1,260SubscribersSubscribe

News In English

Ciyaaraha