Sunday, October 2, 2022
25.9 C
Mogadishu

Ciidamada dowladda oo la wareegay degaano kuyaalla Galbeedka Beledweyne

Ciidamo katirsan kuwa qeybta 27aad oo ay horkacayeen mas’uuliyiin katirsan Maamulka Magalada Beledweyne ayaa howlgallo ka sameeyay degaano hoostaga Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay kula wareegeen degaannada kala ah jaaburow, Ceelka baar Wardhabeel iyo Degaano kale oo kuyaalla Galbeedka Magaalada Beledweyne, halkaas oo mararka qaar lagu arki jiray Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Gudoomiye kuxigeenka Maaliyada iyo Siyaasada Gobolka Hiiraan Abuukar Maadeey iyo Taliye kuxigeenka Qeybta 27aad Militirga Soomaaliya oo howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay in degaanadaas ay kula wareegeen si nabadgelyo ah, iyada oo aan wax dagaal ah ka dhicin.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in howlgalkan uu qeyb ka yahay howlgallada kale oo Ciidamada dowladda Soomaaliya ka wadaan degaano iyo degmooyin kuyaalla Gobolka Hiiraan, Isla markaana howlgalka ay sii wadi doonaan.

Related Articles

Rukumo Baraheena Bulshada

135,668FansLike
32FollowersFollow
1,260SubscribersSubscribe

News In English

Ciyaaraha