Sunday, October 2, 2022
25.9 C
Mogadishu

Ciidamada dowladda oo weeraray degaan kuyaal duleedka Beledweyne

Ciidamo ka tirsan kuwa qeybta 27aad oo ay wehlinayeen kuwo ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle ayaa weerar ku qaaday degaanka Qowlad oo dhinaca waqooyi ka xigo Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamo uu joggaaminayo Sarkaal lagu Magacaabo Nuur Dheere.

Ciidamada la weeraray ee ku sugan degaanka Qowlad ayaa ahaa kuwii habeeno ka hor Magaalada Beledweyne kula dagaalamay Ciidamo uu watay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyre Cismaan, waxaana haatan socda dagaal u dhaxeeya labada dhinac.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, sidoo kale uu jiro khasaaro soo gaaray labada dhinac ee dagaalamaya.

Dhinaca kale wararka laga helayo Beledweyne ayaa sheegaya in dibadbax looga soo horjeedo dagaalka uu ka socdo halkaas.

Shalay ayay aheyd markii Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan uu sheegay howlgal ka dhan ah dadka kasoo horjeeda Maamulka Hir-Shabeelle.

Related Articles

Rukumo Baraheena Bulshada

135,668FansLike
32FollowersFollow
1,260SubscribersSubscribe

News In English

Ciyaaraha