Sunday, October 2, 2022
25.9 C
Mogadishu

Cumar Filish oo u digay Kooxaha Amni darrada ka geysta Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ( Filish) ayaa sicad u sheegay in degmada Wadajir ay kamid noqotay degmooyinka Gobolka Banaadir oo ay ka jirto Amni darrada ee dadka lagu dhaco, hayeeshee ay wadaan qorshooyin wax looga qabanayo.

Gudoomiyaha oo ka qeyb galay kulan ka dhacay degmada Wadajir waxaa uu sheegay inay wadaan olole looga hortagyo kuwa geysta falalka Amniarro, kuwaas oo uu sheegay inay dhiiragelin ka helayaan kuwa ka Ganacsada maandooriyaha & kuwa isticmaala.

Cumar Filish ayaa qiray in Khamri iyo waxyaabo kale ee maanka dooriya in dalka dibaddiisa laga keeno kuwo kalena lagu farsameeyo dalka gudihiisa, kuwaas oo uu sheegay inay dhibaato ku yihiin dhalinyarada ayna la socdaan.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay  inay jiraan dhalinyaro ku hubeysan baangado iyo dhagxaan, kuwaas oo geysta falal ay kamid yihiin, dil iyo dhac, balse ay wax ka qaban doonaan

Related Articles

Rukumo Baraheena Bulshada

135,668FansLike
32FollowersFollow
1,260SubscribersSubscribe

News In English

Ciyaaraha