Sunday, October 2, 2022
25.9 C
Mogadishu

Dadaalo lagu xalinayo khilaafka Deni iyo PSF oo ka socdo Boosaaso.

Isimada iyo wax garadka Puntland oo maalmihii lasoo dhafay waday waan-waan lagu xalinayo xiisadii ka dhacday magaalada Boosaaso una dhaxeeysay ciidanka PSF, iyo ciidanka puntland ayaa kulan la qaatay Gen. Asad Cismaan Diyaano.

Gen. Asad Cisman ayaa waxaa ay  walaalo yihiin Maxamuud Cismaan diyaano Agaasimaha Ciidanka PSF ee uu Madaxweynaha Puntland saciid cabdullhi denni xilka ka qaaday taas oo sababtay in xil ka qaadistiisa uu ka dhashay dagaal.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa wax-garadka puntland wadeen heshiis la dhexdhigayo saciid denni iyo Maxamuud Cismaan diyaano si loo xaliyo khilaafka u dhaxeeyo.

Dhinaca kale Madaxweynayaashii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo uu weheliyo Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa lagu wadaa in ay maanta u amba-baxaan magaalada Boosaaso.

Mas’uuliyiintaaan ayaa qayb ka ah dedaalada lagu xallinayo is-marin-waaga ka taagan xilka qaadista Agaasimihii hay’adda PSF Maxamuud Cismaan Diyaano.

Related Articles

Rukumo Baraheena Bulshada

135,668FansLike
32FollowersFollow
1,260SubscribersSubscribe

News In English

Ciyaaraha