Thursday, October 6, 2022
27.2 C
Mogadishu

Dagaal dhexmaray Ciidamada dowladda & Al-Shabaab

Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa Maanta Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool waxaa uu kudhexmaray Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada dowladda ee Ceelbarde, waxaana goobjoogayaal sheegeen in dagaalka ay waxyeelo kasoo gaartay labada dhinac.

Warar kale oo aan ka helnay degaannada kale ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in la jaray Guud ahaan Isgaarsiinta degmada Ceelbarde, taas oo yareeysay in la ogaado khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka iyo faah faahinada raskiga ah.

Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya qeybta 60aad ayaa sheegay in Ciidamada iska difaaceen weerarka Al-Shabaab, isla markaana dagaalkii ay la galeen khasaaro ku gaarsiiyeen.

Related Articles

Rukumo Baraheena Bulshada

135,668FansLike
32FollowersFollow
1,260SubscribersSubscribe

News In English

Ciyaaraha