Sunday, October 2, 2022
25.9 C
Mogadishu

Dagaal geystay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay Gobolka Nugaal

Waxaa markale Maanta dib uga qarxay Dagaal deegaannada Saaxmaygaag iyo Sanga jabiye, kaas oo u dhaxeeya laba maleeshiyo Beeleed oo wada dega deegaaano katirsan Gobolada Nugaal iyo Sool.

Dagaalka oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa uu salka ku haayaa is haysi dhuleed oo Beelaha u dhaxeeya, waxaana dagaalka Maanta inta la xaqiijiyay ku dhintay laba Ruux halka saddex kale ay ku dhaawacmeen.

Dhamaadkii Bishii la soo dhaafay ee December 2021 ayaa dagaalka uu degaankaas ka billowday, waxaana lagu joojiyay dadaal ay sameeyeen Ciidamada iyo Isimada Puntland.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Ciidan beeleedyo tiro badan ay isku urursanayeen degaankaas mudooyinkii u danbeeyey , waxaana jiray dedaalo cago badan aan ku taagneyn oo ay sameeynayeen Isimo iyo masuuliyiin katirsan Puntland, balse ay fashilmeen.

laamaha Amniga Puntland iyo Maamulka Gobolka Nugaal ayaan weli ka hadlin dagaalkaas oo ah mid soo laab laabtay, waxaana badi dadkii ku noolaa degaannada Saaxmaygaag iyo Sanga jabiye ay ka barakaceen dagaalka.

Related Articles

Rukumo Baraheena Bulshada

135,668FansLike
32FollowersFollow
1,260SubscribersSubscribe

News In English

Ciyaaraha