Thursday, October 6, 2022
27.2 C
Mogadishu

Dagaal xoogan oo ka dhacay Gobolka Bakool

Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamada Itoobiya ee katirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab waxaana uu ka dhacay degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab weerareen Saldhiga Ciidamada Itoobiya ee degmada Xudur, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka uu ka dhashay khasaaro dhaawac ah, iyada oo dagaalka siwyen looga gudaha iyo daafaha degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Itoobiya ay madaafiic ku garaaceen dhinaca uu weerarka kaga yimid, balse aan weli la cadeyn khasaaraha ka dhashay madaafiicda.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Xudur ayaa sheegaya in xaaladu ay tahay mid degan, waxaana Saldhigyadii la weeraray ku sugan Ciidamada Itoobiya.

Related Articles

Rukumo Baraheena Bulshada

135,668FansLike
32FollowersFollow
1,260SubscribersSubscribe

News In English

Ciyaaraha