Sunday, October 2, 2022
25.9 C
Mogadishu

DFS oo faah faahin ka bixisay Qaaraanka lagu leeyahay ee QM

Xilli dhawaan Qaraamada Midoobay ay shaacisay in dalal ay kamid ah Soomaaliya bixin qaraanka QM ayaa waxaa Waekaasi faah faahin ka bixisay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Danjiraha u fadhiya Soomaaliya Qaramada Midoobay Abuukar Balle ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya laga soo bilaabo sanaskii 1989-kii ilaa 2017-kii aysan bixin Qaaraanka Xubinnimada Qaramada Midoobay, balse Soomaaliya ay intaasi u furneyd inay Xibin ka noqoto Qaraamada Midoobay maadaama duruufo badan iyo dagaalo sokeeye ay ka dhaceen dalka.

Danjiraha oo la hadlay Tv-ga Universal waxaa uu sheegay in laga soo bilaabo sanadkii 2018-kii ilaa 2021 dowladda Soomaaliya ay bixineysay lacagihii leyska rabay sanad walbka oo dhan qiyaastii 37,000 ama 35,000 oo Dollar.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya labadii sano ee la soo dhaafay ay wadahadal kula jirta Guddiga u qaabilsan qaaraamaadka dowladaha bixiyaan sidii Soomalaiya u heli laheyd in muddo qabsato si lacagaha lagu leeyahay loo biixyo.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa aad loo hadal haayay lacagaha qaaraanka ah oo qaraamada Midoobay ku leedahay  dowladda Soomaaliya, xilli dhawaan Madaxweynaha mudso xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay kasoo muuqatay fagaarayaasha Caalamiga ah, doorweyna ku leedahay howlaha Qaramada Midoobay.

Related Articles

Rukumo Baraheena Bulshada

135,668FansLike
32FollowersFollow
1,260SubscribersSubscribe

News In English

Ciyaaraha