Thursday, October 6, 2022
27.2 C
Mogadishu

Doonyo wax ku buufinaya badda oo lagu arkay xeebta degmada Xaafuun

Qaar kamid ah  Kalluumeysatada ka jillaabta Xeebta degmada Xaafuun ee Gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa waxaa ay sheegeen inay dhibaato ku hayaan Doonyo si sharci dareo ah u kalluumeysanaya, kuwaas wax ku buufinaya badda si kalluun badan uga soo baxo.

Waxaa ay sheegeen in Doonyahaas ay saaran yihiin rag wata Qalabka lagu buufinayo Badda, isla markaana soo saaraya kalluun farabadan oo suuxsan, iyaga oo intaasi kadib raranaya.

Kalluumeysatada degmada Xaafuun ee Gobolka Bari ayaa waxaa ay ugu baaqeen Madaxda Puntland inay waxka qabtaan Doonyaha Kalluumeysi ee sharci darrada ah oo culeyska ku haaya, kuwaas oo muddo dheer ay gudbinayeen cabashadooda.

Meelo badan oo kamid ah Xeebaha dalka Soomaalia ayaa waxaa badi lagu arkaa Maraakiib iyo Doonyo Shisheeye, kuwaas oo si sharci darro ah u kalluumeysanaya, isla markaana aysan jirin cid wax ka qabaneeysa.

Related Articles

Rukumo Baraheena Bulshada

135,668FansLike
32FollowersFollow
1,260SubscribersSubscribe

News In English

Ciyaaraha