Sunday, October 2, 2022
25.9 C
Mogadishu

Guddiga doorashooyinka Puntland oo doortay Gudoomiye KMG ah

Guddiga Doorashooyinka Puntland oo doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeen kumeel-gaadh ah, kaddib is-casilaaddii Guddoomiye Guuleed Saalax iyo ku-xigeenkiisii Jaamac Xirsi.

Warsaxaafadeed.

Xarunta Guddiga kmg ee dooraahooyinka Puntland waxaa maanta xubnaha Guddiga shir deg deg ah ugu yeeray Guddoomiyaha Guddiga Guuleed Saalax Barre, wuxuuna ku wargaliyey inuu iska casilay Guddoomiyaha TPEC, isagoo ku sababeeyey arrimo u gaar ah, wuxuuna Guuleed uga mahadcelyey xubnaha guddiga wada shaqeyntii iyo kalsoonidii ay wadajirka ugu gaareen guulihii doorashooyinka 3-da degmo ee gof iyo cod ee ka dhacay Qardho, Eyl iyo Ufayn 25.10.2021.

Guddiga KMG ee doorashooyinka Puntland, waxa uu shacab weynaha Puntland, Hay’adaha Dawladda,Uradada Siyaasadda, Ururada Bulshada Rayid ka ah, daneeyaasha caalamka ee Puntland sida gaarka ah kala shaqeeya arrimaha diimuqraadiyadda u xaqijinaayaa in aan wax hakad ah ku imaan, kuna imaan doonin shaqadii Guddiguu ahayey bulshada reer Puntland.

Sidaa daraadeed, galabta waxaa kulan degdeg ah isugu yimi xubnaha sare ee Guddiga, iyagoo doortay Gudoomiye iyo Gudoomiye kuxigeen ku meel gaar ah, kaddib marka Gudoomiye ku xigeenkili uu is casilay.

kuwaas oo loo igmaday inay sii wadaan hawlaha guddoonka, waxayna kala yihiin:

1. Cabdirisaaq Axmed Siciid, Gudomiye KMG ah.
2. Cali Jaamac Faarax, G.kuxigeen KMG ah

Related Articles

Rukumo Baraheena Bulshada

135,668FansLike
32FollowersFollow
1,260SubscribersSubscribe

News In English

Ciyaaraha