Sunday, October 2, 2022
25.9 C
Mogadishu

Guddoomiyihii gudiga KMG ah ee doorashooyinka Maamul goboleedka Puntland oo is-casilay

Guuleed Saalax Barre oo ahaa guddoomiyihii guddiga ku meel gaarka ah ee doorashooyinka dowlad goboleedka Puntland ayaa iska casilay xilkii guddoomiyenimo iyo xubinimadii guddiga doorashooyinka Puntland, sida uu ku shaaciyey qoraal uu soo saaray.

Qoraal uu ku qoray Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay sidan”Saaka waxaan u gudbiyay Xubnaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland warqad aan ku bannaynayo jagada Guddoomiyanimo ee Guddiga, sidoo kale isla saaka waxaan Guddoomiyaha Baarlamaanka la wadaagay warqad aan isaga casilayo xubinimaddii Guddiga ee aan kusoo shaqaynayay muddo 2 sano iyo bar ah” ayuu qoraal ku yiri Guuleed Saalax Barre.

Guuleed Saalax Barre wuxuu sheegay in ay ka horyimaadeen duruufo adag oo sababay inuu shaqada ka tago, inkastoo uusan faahfaahin waxa ay yihiin duruufahaasi.

“Waxaan qorshaynayay inaan qayb kasii ahaado shaqada adag ee Xubnaha Sare iyo Shaqaalaha Guddigu u hayaan bulshada reer Puntland, laakiin duruurfo iga hor yimid dartood waxaan goostay inaan banneeyo booska” ayuu yiri Guuleed.

Guuleed ayaa u mahad celiyay dhamman bahdiisii shaqada iyo taageerayaashi Geedi Socodka Dimuqraadiyada Puntland

Related Articles

Rukumo Baraheena Bulshada

135,668FansLike
32FollowersFollow
1,260SubscribersSubscribe

News In English

Ciyaaraha