Sunday, October 2, 2022
25.9 C
Mogadishu

Itoobiya oo sheegtay inay soo riday diyaarad hub u siday TPLF

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay diyaarad hub u sidday fallaagada TPLF oo ka soo tallaawday xadka Suudaan iney xalay soo rideen.

Madaxa waaxda howlgallada ee wasaaradda gaashaan dhigga Itoobiya Sarreeya Guud Tefaaye Ayalew oo u warramaya wakaaladda wararka Itobiiya ee ENA wuxuu sheegay diyaaradda ay ciidamada cirka Itoobiya soo rideen iney ka timid dhanka Suudaan hawada Itoobiyana ay ka soo gashay aagga Humera.

“Ciidamada dowladda dhexe waxay haatan wadaan howlgallo ay isku difaacayaan balse waxaa dhawaan billaabmi doono weerarro ka dhan ah fallaagada TPLF,” ayuu yiri Sarreeya Guud Tefaaye Ayalew.

Dowladda Suudan ayaan weli kasoo bixin wax war ah oo ku saabsan warkaan kasoo yeeray dowladda Federaalka Itoobiya ee ku aadan in la soo riday diyaarad ay leedahay Suudaan oo hub u siday xoogagga TPLF

Related Articles

Rukumo Baraheena Bulshada

135,668FansLike
32FollowersFollow
1,260SubscribersSubscribe

News In English

Ciyaaraha