Sunday, October 2, 2022
25.9 C
Mogadishu

khasaare ka dhashay Qarax ka dhacay Galgaduud

Inta la xaqijiyay hal askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa dhintay ku dhawaad 10 kalena way dhawacmen kadib markii uu qarax haleelay gaari ay la socdeen, deegaanka Sindhiqo oo 30km u jira magaalada Dhuusamareeb.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa sheegay in qaraxa kadib uu dagaal dhex-maray ciidamada dowladda iyo  Al-Shabaab.

Dagaalka iyo qaraxa ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda ay deegaano hoostaga Dhuusamareeb ay ka sameeyeen howlgallo kadibna Shabaabka ay qarax u dhigeen.

Wararkii ugu dambeeyey waxay sheegayaan in ciidamada dowladda ay qabsadeen deegaanka Sindhiqo oo ay ka saareen Shabaabkii ku sugnaa.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo la hadlay  warbaahinta waxay sheegteen inay dagaalka ku dileen tobaneeyo Al-Shabaab ka tirsanaa.

Related Articles

Rukumo Baraheena Bulshada

135,668FansLike
32FollowersFollow
1,260SubscribersSubscribe

News In English

Ciyaaraha