Sunday, October 2, 2022
25.9 C
Mogadishu

Koonfur Galbeed oo Maanta xareyneysa Ergada dooraneysa 11 Kursi

Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleedka ee Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa in Maanta ay diiwaangelihaan kadibna ay xareeyaan Ergada Dooraneysa 11 kursi oo doorashadooda dhawaan lagu qabanayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Ergada Maanta la xareynayo ayaa waxaa u bilaabanaya tababar ku saabsan sida ay u codeeynayaan iyo shuruudaha looga baahan yahay.

Magaalada Bayshabo ayaa waxaa laga dareemayaa u diyaar garoowga  doorashada 11 kursi, waxaana siweyn loo adkeeyay Amniga Magaalada Baydhabo.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Baydhabo kusii qul qulaya musharrixiin horay kuraasta ugu fadhiyay iyo kuwa hadda doonaya inay kuraastaas ku guuleystaan.

Related Articles

Rukumo Baraheena Bulshada

135,668FansLike
32FollowersFollow
1,260SubscribersSubscribe

News In English

Ciyaaraha