Sunday, October 2, 2022
25.9 C
Mogadishu

Kulan looga hadlayay Amniga oo ka dhacay Beled-Xaawo

Degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ka dhacay kulan looga hadlayey sare u qaadida amniga degmada iyo deegaanada hoos yimaada, waxaana shirkani ka qeyb galay Taliyaha Nabadsugida Gobolka Gedo Maamulka Gobolka maamulka Degmada Beled-Xaawo iyo saraakiisha kala duwan ee Ciidamada qalabka sida

Mas’uuliyiinta iyo saraakiisha ayaa isla gartey in dhawaan uu bilaaban doono howgallo looga saarayo goobaha Al-Shabaab ay kaga sugan yihiin qaar ka mid ah deegaanada miyiga Gobolka Gedo iyo sidii wax looga qaban lahaa muran dhuleedka baahay ee u dhaxeeyo bulsho wada degan deegaano hoos yimaado Beled-Xaawo.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Buule Gareed Taliyaha Nabadsugida Gobolka Cabduraxmaan Cabdulaahi Aadan Bakaal Kooke oo saldhiga Degmada kula hadlay ciidamada booliska nabadsugida farey in gacan adag kala hor tagaan dadka xiliyada qaar dhac iyo boob u geysta dadka xoolo dhaqatada ah iyo cid kasto lidi ku ah ammaanka Gobolka.

Degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay soo martay marxalado kala duwan, waxaana hadda gacanta ku haaya Ciidamo ay dowladda Sokmaaliya geeysay degmooyinka Gobolka Gedo.

Related Articles

Rukumo Baraheena Bulshada

135,668FansLike
32FollowersFollow
1,260SubscribersSubscribe

News In English

Ciyaaraha