Sunday, October 2, 2022
25.9 C
Mogadishu

Madaxweynayaasha Galmudug & Hir-Shabeelle oo Maanta kuwajahan Magalad Muqdisho

Saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa inay  gaaraan Magaalada Muqdisho Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug & Hir-Shabeelle ee Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) Cali Guudlaawe Xuseen.

labada Madaxweyne ayaa si kala gooni gooni ah diyaarado uga soo kala raacay Magaalooyinka Jowhar oo Gobolka Shabeellaha Dhexe ah iyo Magaalada Dhuusamareeb oo Gobolka Galgaduud ah.

Safarka labada Madaxweyne ay ku tagayaan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli uu ka taagan yahay  khilaaf xooggan oo ka dhaxeeya RW Rooble iyo Farmaajo kaas oo gaaray meeshii ugu sarreysay.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in labada Madaxweyne ee Hir-Shabeelle iyo Galmudug ay Muqdisho ka bilaabayaan waan waan lagu dhex dhexaadinayo Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble si xal buuxa loo gaaro.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa ku guuleysan waayay in uu xaliyo khilaafkaan kii ka horreeyay balse uu ku guuleystay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen).

Related Articles

Rukumo Baraheena Bulshada

135,668FansLike
32FollowersFollow
1,260SubscribersSubscribe

News In English

Ciyaaraha