Sunday, October 2, 2022
25.9 C
Mogadishu

Puntland oo sheegtay in uusan saameyn doonin is casilaadii Guddoonka Guddiga (TPEC)

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaa sheegtay inay xun tahay iscasilaadda Guddoomiyaha iyo Kuxigeenka Guddiga Doorashooyinka Kumeelgaarka ah ee Puntland (TPEC), isla markaana Ummadda Puntland, guud ahaan Soomaali iyo Daneeyaasha Barnaamijka Dimuqraadiyeynta Puntlandba u caddeynayaan in Geeddi socodka Dimuqraadiyeynta Puntland uu yahay hadaf ku dhisan heshiis bulsho.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu yiri” Puntland  waxaa ay u idmantahay ka guul gaarista hirgelinta doorashooyinka. Sidaa darteed, iscasilaadda Madaxda Guddiga Doorashooyinka ma ahan mid saameynaysa ka go’naashaha dadka iyo Dowladda Puntland in laga guul gaaro hirgelinta iyo dhammeystirka Doorashooyinka hal qof iyo hal cod.

Ugu dambeyn Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa Guddoomiye Guuleed Saalax, Kuxigeenkiisa Jaamac iyo dhammaan Xubnaha Guddigaba uga mahad celisay hawl karnimadii horseeday qabsoomidda doorashooyinkii horudhaca ahaa ee Ufeyn, Qardho iyo Eyl, sidoo kalena  Qorshaha dhammeystirka Doorashooyinka Degmooyinka dhiman uu u soconayo sidii loogu talo galay .

Related Articles

Rukumo Baraheena Bulshada

135,668FansLike
32FollowersFollow
1,260SubscribersSubscribe

News In English

Ciyaaraha