Sunday, October 2, 2022
25.9 C
Mogadishu

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo gaaray Magaalada Jigjiga

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray caasimadda dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ee Magaalada Jigjiga.

Wafdiga waxaa soo dhaweeyay Madaxweynaha dowlad degaanka  Mustafe Muxumed Cumar, waxaana ay booqan doonaan meelaha ay saameeyeen abaaraha ka jira gobolka iyo dib u eegista hawlaha gargaarka bini’aadantinimo.

Sidoo kale waxaa uu Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu la kulmi doonaa Madaxda Maamulada dowlad degaanka, isaga oo kala hadli doona sida loo wajahayo abaaraha kajira degaanka.

Safarkaan Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu ku tegay Magaalada jigjiga ayaa waxaa uu ahaa mid uu kaga jawaabayay dalab uga yimid Xukuumadda degaanka oo ku saabsan ka jawaabida abaaraha

Related Articles

Rukumo Baraheena Bulshada

135,668FansLike
32FollowersFollow
1,260SubscribersSubscribe

News In English

Ciyaaraha