Sunday, October 2, 2022
25.9 C
Mogadishu

RW Rooble oo ka hadlay Xildhibaannada Maanta lagu doortay Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federalka soomalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa hambalyo u diray Xildhibaannada Banaadiriga ee maanta lagu doortay Muqdisho, waxuuna u rajeeyay in uu Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda cusub ee loo doortay.

Waan ku faraxsanahay in doorashada 62-kii kursi ee la qorsheeyay in Muqdisho lagu doorto ay si guul ah ku soo dhammaatay muddadidi horay loogu asteeyay ee 25-ka Febraayo, iyadoo toddobaadkii horena la soo gebogabeeyay doorashada xildhibaannada Labada Aqal ee baarlamaanka ku matalaya Gobollada Waqooyi.

Waxaan u mahadcelinayaa guddiyadii doorashada maamulay, ciidammada ammaanka iyo Shacabka Muqdisho oo dulqaad muujiyay.

Waxaan rajeynayaa in doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee harsan ay ku soo dhammaato muddadii uu isla gartay Golaha Wadatashiga Qaranku ee 15-ka Maarso.

Related Articles

Rukumo Baraheena Bulshada

135,668FansLike
32FollowersFollow
1,260SubscribersSubscribe

News In English

Ciyaaraha