Sunday, October 2, 2022
25.9 C
Mogadishu

Shirka Golaha wadatashiga Qaran oo ka furmay Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Gudaha Xarunta Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho Maanta oo Isniin ah ka furay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka.

Shirka ayaa waxaa goobjoog ka ah dhamaan Madaxweynayaasha 5-ta Dowlad Goboleed ee kajira dalka iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed ( FIlish), waxaana kal hore shirka qaadacay Madaxweynaha Koonfur Galbeed balse Maanta goobjoog ka ah kadib cadaadis uga yimid Wakiilada Beesha Caalamka.

Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa arrimo ay kamid hihiin, amniga iyo dardargelinta doorashooyinka, daahfurnaanta iyo jaangoynta xilliga la soo gabagabeynayo doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xubnaha Golaha wadatashiga Qaran ayaa dood adag ka yeelan doona caqabadaha heysta doorashooyinka, sidoo kalena warar soo baxayay ay sheegaya in Dowlad Goboleedyada qaar ay doonayaan in hal degaan lagu soo koobo doorashada.

Shirkaan u furmay Golaha wadatashiga Qaran ayaa kusoo aadaya xilli la soo geba-gabeeyay doorashada Aqalka Sare, sidoo kale la doortay Xubno kamid ah Golaha Shacabka, doorashadaas oo dad badan ay cabasho xoogan ka keeneen

Related Articles

Rukumo Baraheena Bulshada

135,668FansLike
32FollowersFollow
1,260SubscribersSubscribe

News In English

Ciyaaraha