Sunday, October 2, 2022
25.9 C
Mogadishu

Tahriibayaal ku xayirnaa dalka Liibiya oo Muqdisho lagu soo celiyay

Dhallinyaro Soomaaliyeed oo muddo Sanada ah ku xirnaay Xabsiyada kuyaalo dalka Liibiya ayaa maanta Qaar kamida Dalka dib loogu soo celiyay.

Dhalinyaradan oo tiro ahaan gaaraya 97 Ruux waxaa garoonka Diyaaradaha ku soodhaweeyay Wasiiru dowlada Wasaaradda Amniga gudaha XFS Farxaan Cali Axmad oo uu Wehliyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda  Cabdisaciid Muuse Cali iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Yusuf Cali.

Dhalinyaradan ayaa ka baxsadeen xabsiyadii magafeyaasha iyagoo iska dhiibay Safaaradda Soomaaliya ee Tripoli si dalka loogu soo Celiyo, iyagoo xiriir la sameeyay Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Xuquuqda Caruurta iyo Tahriibayaasha ee Xafiiska R/Wasaaraha.

Munaasabadda soo dhaweynta oo si heersare ah looga soo shaqeeyay ayaa waxaa wasiiru dowlaha Amniga ku wehlinayay, Wakiilo ka socday Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Xuquuqda Caruurta iyo Tahriibayaasha ee Xafiiska R/Wasaaraha Ambassador Maryama Yaasiin, iyo Wakiilo Safaaradda Soomaliyeed dalka Libya, Hay’adda IOM iyo hay’adda Qaxootiga ee QM ee UNHCR.

Related Articles

Rukumo Baraheena Bulshada

135,668FansLike
32FollowersFollow
1,260SubscribersSubscribe

News In English

Ciyaaraha