Sunday, October 2, 2022
25.9 C
Mogadishu

Taliyaha ciidamada badda Soomaaliyeed ayaa raysalwasaaraha Soomaaliya ku eedeeyey in uu sifo sharci darro ah kudhisanayo dhulkii ciidamada

Taliyaha ciiddanka badda Soomaaliya Jeniraal Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa ku eedeeyay raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu si sharci darro ah ku dhisanayo  dhulkii ay lahaayeen ciiddamada badda Soomaaliya.

Taliyaha ciiddanka badda ayaa sheegay in raysal wasaaruhu guri deegaan oo uu isagu si shaqsiyan ah u leeyahay uu ka dhisanayo qeyb kamid ah dhulkii ciiddanka badda lahaayeen, arrintaas oo taliyuhu sheegay in uusan waxba kala soconin.

“In la hunguriyeeyo hantidii ma guurtada ah ee u hartay ciiddanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaan leeyahay wax soconaya ma ahan, wax la abali karana ma ahan in raysal wasaarihii dalka uu boob ku dhisto guri shaqsi meeshii loogu talo galay xafiisyada ciiddanka badda Soomaaliya,” ayuu yiri taliye Cabdixamid Maxamed Dirir.”

Taliye Cabdixamiid wuxuu sheegay haddii uu xilkiisa ku weynayo inuusan oggolaan doonin in boob lagu dhisto dhulka uu masuulka ka yahay ee ay leeyihin ciiddanka badda Soomaaliya.

Related Articles

Rukumo Baraheena Bulshada

135,668FansLike
32FollowersFollow
1,260SubscribersSubscribe

News In English

Ciyaaraha