Sunday, October 2, 2022
25.9 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay Qarax dad ku dhinteen oo ka dhacay Abu Dhabi

Ugu yaraan saddex ruux ayaa dhintay lix kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii saddex booyad oo shidaal wada ay ku qarxeen magaalada Abu Dhabi ee waddanka Imaaraadka Carabta, sida uu shaaciyay telefishinka Al Jazeera.

Waxaa laga shakisan yahay in qaraxyada ay ka dhasheen weerar loo adeegsaday diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee drones-ka, sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta.

Falkan ayaa daba socday hadal kasoo baxay Xuutiyiinta Yemen oo ku dhawaaqay in ay howlgal ka sameynayaan “xuddunta hoose” ee Imaaraadka Carabta.

Taliska booliska Abu Dhabi ayaa sheegay maanta oo Isniin ah in saddex booyad oo nooca shidaalka daabula ah ay ku qarxeen agagaarka warshadda Musaffah oo u dhow xarumaha shidaalka lagu keydiyo ee shirkadda ADNOC.

Saraakiisha ayaa intaas ku daray in sidoo kale uu dab ka kacay meel dhisme ka socday oo ku taalla garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee magaalada Abu Dhabi.

Related Articles

Rukumo Baraheena Bulshada

135,668FansLike
32FollowersFollow
1,260SubscribersSubscribe

News In English

Ciyaaraha