Sunday, October 2, 2022
25.9 C
Mogadishu

Weerar lagu dilay Saraakiil katirsan Booliska Kenya oo ka dhacay Gudaha kenya

Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay inta u dhexeysa degaannada Kullan iyo Liboi gaar ahaan meel lagu magacaabo wara cadcad oo qiyaastii 17 kiiloomitir u jirta magaalada Liboi, waxaana lagu dilay Afar kamid ah Saraaliisha Ciidamada Booliska Kenya.

Saraakiiaha la dilay ayaa kamid ahaa booliska keydka ee KPR-ta ee deegaanka Dadaab, waxaana la rumeysan yahay inay weerarkaasi ka dambeeyeen burcadda jidka gasha oo bartilmaameedsaday baabur ay saarnayeen ciidamada dhintay oo xilligaasi gudanayay waajibaadkooda shaqo.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Ammaanka Kenya ayaa gaaray halka uu weerarka ka dhacay , iyaga oo wada baaritaano la xiriira sidii loo aqoonsan lahaa ama Gacantaoogu soo dhigi lahaa.

Dhowr jeer ayaa waxaa weeraro ay ka dambeeyeen Kooxo burcad ah ka dhaceen Jidka isku xira Dadaab iyo Liboi, kuwaas oo dadka wadada isticmaalaya dhac iyo dil u geeysanaya

Related Articles

Rukumo Baraheena Bulshada

135,668FansLike
32FollowersFollow
1,260SubscribersSubscribe

News In English

Ciyaaraha