Sunday, October 2, 2022
25.9 C
Mogadishu

Xiisad ka taagan Beledweyne & Ciidamo isku hor-fadhiya

Waxaa Maanta xiisad dagaal oo u dhaxeeysa Ciidamada dowladda & kuwa Hir-Shabeelle oo dhinac ah iyo kuwa la Magac baxay badbaada Hiiraan ay ka taagan tahay xaafado katorsan Mahaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Xiisada ayaa ka dambeeysay kadib markii shalay davmgaal culus uu labada dhinac ku dhexmaray degaanka Qowlad ee duleedka Beledweyne, balse Ciidamada labada dhinac ay u soo wareegeen Gudaha Magaalada Beledweyne.

Ciidamada uu hoggaaminayo Sarkaalka lagu Magacaabo Nuur Dheere ayaa xalay soo galay Magaalada Beledweyne, kuwaas oo fariisin ka sameystay Guryo u dhow Garoonka Kubbafa Cagta ee laqanyo, halka Ciidanka dowladda ay fariisin ka sameesteen meel aan ka fogeyn garoonka kubadda cagta ee Laqanyo.

Xaafadaha qaar ee Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka dhacay dibadbax ay dhigayeen qaar kamid ah Shacabka , iyaga oo ku dhawaaqayay erayo ay uga soo horjeedaan Maamulka Hir-Shabeelle.

Odooyasha Dhaqanka iyo wax garadka Gobolka Hiiraan ayaa illaa saaka ku jira xal u raadinta siddii mar kale looga baaqsan lahaa dagaalo ka dhaca gudaha Beledweyne, iyaga oo doonaya inay Ciidamada ishor-fadhiya kala qaadaan.

Related Articles

Rukumo Baraheena Bulshada

135,668FansLike
32FollowersFollow
1,260SubscribersSubscribe

News In English

Ciyaaraha